wargayskacal.jpg

 

wargayskacal.jpg
WARGEYSKA
CALMADOW

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


Waa wargeys  laba todobaadle ah oo ka soo baxa magaalada Badhan –  Sanaag / Somalia.

Tel:866656    E:mail: wcalmadow@yahoo.com     Tafatire: Maxamuud Ciyoon.

    Cadadka 33aad. San 2aad  30/9/2005  Soo saare: Maxamed Siciid Faarax & Maxamed Xasan Jaamac.

                                                                         Soo Gelinta Netku waa Maxamed C/laahi Cali Tiriig

Tusmada wargeyska

 Wararka Caalamka

F            Ciidanka Amniga ee marinka Qasa oo …..

                                   Bogga 2aad

Wararka Gudaha

v              Cod bixinta Doorashooyinka Baarlamaanka ee Soomaaliland

v              Safarka Gudoomiyaha Barlamaanka

v              Sidee codayntu uga dhacday degmada Ceergaabo ?( ka fog siyaasadda )

v              Xaggee ku danbeeyey Murankii ka dhashay dhisidda Golaha degaanka ee degmada Badhan?

v              hay’adda Horn Relief ayaa shir u qabatay bahda waxbarashada ee Magaalada Badhan.

Fikrada akhristayaasha

2     Midnimada Soomaaliya waa muqadas.

2     Wax sheegga Murtida.

Qormada Ciyaaraha

Bogga 4aad

Bogga Nasashada.

1             Sheeko Gaaban

1             Halxidhaale

1             Qaybta Suugaanta. ”

1             Kudar aqoontaada.       Eeg bogga 4aad

Usoo bixitaankii Iftiinka Mugdi dabadii”

        Khadiija C/qahaar                    bogga/6aad

Ogaysiisyo    Ogaysiisyo                         Bogga/6aad

www.laasqoray.net

 

 

 
Folded Corner:  
      Waa bishaaro wanaagsan, bulshada Muslimku meel kasta oo ay joogaan waxay isu diyaarinayaan sidii ay ugu diyaar garoobi lahaayeen kol iyo kalba bisha barakaysan ee Ramadaan , waa bil cibaado, una baahan in Muslimku dhaxal kala hadhaan , waayo ? ma ogin in aynu Ramadaanka danbe noolaan doonno.
Waa bil raxmadeed , loona baahan yahay in dadku isu naxariistaan , si aan u hello naxariista eebbe, waana bil denbi dhaaf , si aan u hellona loo baahan yahay inaan inagu isu denbi dhaafno oo is cafino, waayo ? ilaahay uma denbi dhaafo labo isu ciil qabta. 
Waa bil ilaahay addoomihiisa ka xoreeyaa naarta , si aan u hello xorayntaasna waa inaan ka xorownaa dhamaan wixii macsi iyo xumaan ahaa ee aan ku jirney , ilaahna aan u noqonnaa , walaalayaal xumaanta ka fogaada, wanaagana u deg-dega si aan liibaanta ilaahay u hellno.

 

 


                                                                                                                             

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

                                  

Welcome Ramadan	                          

        

 

Text Box: صحيفة علـــــمدو   “ Dhagax meel dhow buu ku dhacaa, warna meel dheer”     Calmadow newspaper                                                                                           


Wararka Caalamka

Falsatiin:- Ciidanka Nabad Sugida ee Falastiiniyiinta aya sheegaya inay bilaabeen inay dhaqan gashaan xeerka mamnuucaya in hubka lala dhexmaro meelaha dadweyna ee Jiida Qasa, iyo in lajoojo dhoolatusyada ay samaynayaan Ciidamada raacsan kooxa hubaysan,

Kooxda xamaas ayaa iyadu uga digtay dowlda inay ku talaabsato inay hubka kadhigto xubnaha taageersan.

Hogaamiye sare oo katirsan qayta hubaysan ee Ururka Alfatax ayaa sheegay in ay ka bexeen Xabad joojintii kdib markii Yuhuudu dileen saddex kamid ah garabkaas.

Todobaadkan ayaa ciidanka Yuhuudu weeraro xaga Cirka ah kuqaaday magaalda Qaza,kaasoo sababay inay ku dhintaan tobonaan kamid ah Falastiiniyiinta.

Falastiiniyiinta hubaysan ayaa gantaalo ku weerara qaybo kamid ah deeganada Yuhuuda si ay ugu aar gudaan dadkii laga laayey, arinkan ayaa aad usii kordhay todobaadkan.

Wararka Gudaha

Cod bixinta Doorashooyinka Baarlamaanka ee Soomaaliland

 Hargeysa : Shalay oo ay taariikhdu tahay 29ka bisha September 2005 ayey bilowdeen doorashooyinka Baarlamaanka Soomaaliland.
     Xarumaha codbixinta ee magaalooyinka waaweyn ee deegaanada hoos yimaada maamulka Soomaaliland ayaa la furay arooryadii khamiista si ay halkaa codka uga dhiibtaan shacabka.
   Doorashooyinkan ayey ku tartamayaan sadex xisbi oo kala ah UDUB, UCID iyo Kulmiye.

Waxaana la filayaa in uu loolanka ugu weyn uu dhex mari doono xisbiga talada maamulka haya ee UDUB iyo kan ugu weyn Mucaaradka ee Kulmiye oo asagu laf ahaantiisu tageerayaal badan ku leh deegaanada kamid ah Dowlada la baxay Soomaaliland.

Safarka Gudoomiyaha Barlamaanka

     Gudoomiyaha Barlamaanka  ee dowlada Federaalka Shariif Xassan Shiikh ayaa lafilayaa inuu booqasho ku tago wadamo ku yaal qaarada Yurub, gudoomiyaha ayaa kusii jeeda wadanka   Ingiriiska.
    Shariif Xassan ayaa Beryahan booqasho kumarayey dalka
Canada, wuxuuna horey safaro ugu soo maray dalka Maraykanka.
   
Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa lagu wadaa inuu kulamo dalka Ingiriiska kula yeesho Jaaliyada Soomaaliyeed, inkastoo jaaliyada Soomalida ee ku dhaqan magaalda Birmingham ee cariga Ingriisku ay soo saareen baaq ay ku diidanyihiin imaatinka gudoomiyaha.
Guddoomiyaha ayaa hore uga qeyb qaatay kulankii Baarlamaanyada Adduunka ee ka dhacay magaalada
New York, wuxuuna intuu marayey dalalka Maraykanka iyo Canada la kulmay Xildhibaano  kamid ah dalalkaasi.

Dhanka kale wararka ka imanaya magaalda muqdisho ayaa sheegaya in Hogaamiyayaasha Muqdisho ay wadaan shirar goonigooni ah oo ay ku raadinayaan siday uhelilaahyeen taageerada shacabka, Todobaadkan ayaa waxa ku kulmay magaalada Balcad Dhowr hogaamiye kooxeed, waxan lasheegaya inay wadaan sidii ay u dhisi lahaayeen Isbahaysi cusub oo mucaarad ku ah Dowlada.

Dhanka kale Sida ay sheegayso qaybo kamid ah warbaahintu dagaal qaraar oo la isu adeegsadey noocyada kala duwan ee hubka ayaa ka socda magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.
   waxa lasheegayaa in iska horimaadkan ayaa ka dhacey wadada Warshadaha waxaana lagu soo waramayaa in uu keenay khasaare kala duwan.

Dadka ku dhintey dagaalkan ayaa la sheegay inay haatan gaarayaan 4 Qof, waxaana jira sidoo kale dhaawac uu sababey dagaalka, inkastoo aan la ogeyn dadka dhintey inay yihiin maleeshiyada dagaalamaysa iyo Rayid.
Dagaalkan ayaa wuxuu dhexmarayaa Koox ay u taaley Isbaaro wadada Warshadaha iyo ciidamada Maxkamada Islaamiga ee magaalada Muqdisho.
      Tahniyad Meher

Maxamed Cali Ciise Jaamac Cali Xasan, C/Laahi Yuusuf Xayle, Maxamed Ashire Ciise, C/Lahi Maxamuud Cumar, Faysal C/Laahi Tiij,

C/Qaadir Cismaan Maxamuud, Xasan Jaamac Salaad, Maxamed Ciise Axmed (Salaad)

Siciid Xasan Muuse, C/Rixmaan Cismaan C/Leh, Faaduma Cali Ciise, Maryan Shire Ciise Xayle, Waxay dhaman dadkaasi o kala jooga Badhan, Ceelbuuh iyo Hadaaftim waxay Tahniyad u dirayaan

C/risaaq Ciise Shire

Iyo

Caasho Xasan Muuse

Oo meher koodu kadhacay magaalada Ceelbuh.

 

Wararka Gudaha

Sidee codayntu uga dhacday degmada Ceergaabo ?( ka fog siyaasadda )

Ceergaabo:30/9/05 Magaalada Ceergaabo ayaa lagu soo waramayaa in laga codeeyey 14 goobood, oo si nabad gelyo ah ku dhamaatay, waxase la sheegayaa in ku shubasho  xoog lihi dhacday, ka dib markii urur kasti taageerayaashii u codeeyey ay  kusoo noq-noqdeen, taasoo ay keentay in calaamaddii la marinayey qofka codeeya si sahlan loo masaxay.

Meelaha kale ee codayntu ka dhacday ee Bariga Ceergaabo ah ayaa kala ah : D/xagare, Wardheer, Dureera, Shinbiraale, Dawaco, Dhabardalool, Dhadhiinta, Ubagleyaal, Dhufeeco, Danab jeex, Wadaayin, Dhallaax, Yube, Biyo-guduud, iyo Daara-salaam, meelahaasna waxa la sheegayaa inaan wax dhibaato ahi ka dhicin , inkastoo wararku tibaaxayaan  in ciidamo ka tirsan Puntland ay degaamadaas gaadheen , hase yeeshee wax faah-faahin ah kama helin hawlohooda.

Wararkan oo aan ka hellay nin ku sugan magaalada Ceergaabo gudeheeda , kana cudur-daartey in magaciisa la sheego ayaa wuxu intaas raaciyey in sanaadiiqdii loo qaaday Awr-boogays, Kulaal, Boodda cadde, iyo Xabaala-camaare la soo celiyey iyaga oo madhan, sababtana wuxu noogu sheegay in arintaas ay keentay khilaaf ka dhex dhashay labada xisbi ee Udub iyo Kulmiye, iyadoo aanu meesha ka saarin in ciidamada Puntland saamayn ku yeesheen.               Calmadow

Xaggee ku danbeeyey Murankii ka dhashay dhisidda Golaha degaanka ee degmada Badhan?

Badhan:- Todobaadadii lasoo dhaafay ayaa waxa magaalada Badhan hadheeyey shirar kala duwan oo looga danleeyahay sidii loo dhisi lahaa golaha degaanka ee degmada Badhan , waxase markiiba soo baxay khilaaf ku salaysan cidda xaqa u leh iney dhisto golayaasha degaanka

Murankaas oo guurtidii  degmada u qaybisay labo qaybood oo kala aragti fog, halisna geliyey nabadgelyada magaalada.

Waxase maalmihii ugu danbeeyey bilowday in la isaga yimaaddo sidii khilaafkaas loo xallin lahaa , shirar doceedyo iyo kulamo goonni goonni ah kadib ayaa duqaytida degmada qaybo kamid ahi waxay noo sheegeen in la isku afgartay in loo baahan yahay dhisidda golaha degaanka , iyo

iney daruuri tahay in loo dhamaado dhisidda golaha degaanka, iyo weliba in loo aqoonsanaado in golaha degaanka ay bulshadu leedahay doorashadeeda iyo madax bannaanideeda, iyo ugu danbayntii in laga fogaado wixii fidmo abuur ah ee nabadda wax u dhimaya. Waayo ? waxa aan ku caano maallay waa nabad, waxbana ma dhaafsan karno.

""""

HAY’ADDA HORN RELIEF AYAA SHIR U QABATAY BAHDA WAXBARASHADA EE MAGAALADA BADHAN.

Badhan :- Galabnimadii Khamiista ayaa Hay’adda Horn relief shir u qabatay Maamulayaasha ,iyo guddiyada waxbarashada ee magaalada Badhan, shirkaas ayaa waxa ka soo qayb galay 12 xubnood oo  ah bahda waxbarashada  , kana kala socdey dugsiyada magaalada Badhan , iyo afar xubnood oo ka tirsan waaxda waxbarashada u qaabilsan hay’adda Horn Relief.

Kulankan ayaa hay’addu ku macnaysay inuu dabo joogo kulan hore noocan oo kale ahaa, laguna lafo gurayey baahida loo qabo Dallad waxbarasho oo metesha dugsiyada , hay’adduna la shaqayso.

Waalidiintii iyo maamulayaashii halkaas isugu yimid ayaa hay’dda uga mahad celiyey isugu yeedhiddaas, waxayna si faah-faahsan uga hadleen dhibaatooyinka haysta waxbarashada, mid dhisme, mid dayactir , mid qalab iyo mid macamlimiin yaraaneedba. Waxayna sheegeen iney tahay mid aad u ballaadhan ayna wax ka qaban jirtey wasaaraddii waxbarashadu , markiise wasaaraddii la waayey waxay noqotay in is-xilqaan iyo iskaashi  wax lagu wado , waxanuna rajeyneynaa in hay’addu ay waxii itaalkeeda ah wax ka qabato dhibaatooyinkaas.  

Eeg bogga 4aad

{{

Tacsi

Khadiijo Maxamuud Cali, Caasho Maxamuud Cali, Sudciyo Cali, Saalax, Sahro Maxamed Cismaan, Maryan Nuur,dhamaan ilama Maxamed Cismaan waxay tacsi udirayaan, dhamaan eheladii iyo qaraabadii uu kageeriyoday      Aadan Ibraahin Dhegeyare.

Oo ku geeriyooday Ceelbuh.

Waxayna ilaah uga baryayaan inuu naxariisti jano kawaraabiyo…Aamin..Aamin

Fikrada Akhristaha

Midnimada Soomaaliya waa muqadas.

Dhulka Soomaaliya wuxu ahaa dhulka ugu ballaadhan dalalka geeska Afrika , hase yeeshee waxa kala qaybiyey gumaystihii , taasna waxa umadda Soomaaliyeed kasoo gaadhey dhib fara badan, oo ay keentay kala qoqobnaantii gumaysigu sameeyey.

Labadii qaybood ee 1960 kii ku midowdey Jamhuuriyaddii soomaaliya ayaa hadda la rabaa in dib loo  kala gooyo, taasina ma aha mid caqiidada Islaamku yeeleyso, mana ah wax caqliga fiyoobi aqbalayo,

Sidaasna waxa marag iiga ah mid ka mid ah madaxdii Gobolada woqooyi oo sheegay markii laga doodayey magaca ay la baxayaan  inuu yahay wax diinta ka soo hor jeeda , waa markii la soo bandhigay magaca ah Jamhuuriyadda Islaamka ee Somaliland.

           Cabdi Aadan/Badhan

7777

Wax sheegga Murtida.

Sadex ayaa yidhi waa macaanahay, sadexna waxay hor ilaahay u marag furtay inay macaan yihiin , sadex kalena hor ilaahay inaad macaan tihiin marag kama nihin ayey yidhaahdeen :

{            Malab ayaa yidhi waa macaanahay , Carrab ayaa hor ilaahay uga marag kacay inuu macaan yahay, Far ayaa tiri hor ilaahay marag kama ihi inaad macaan tahay .

{            Diinta ayaa tiri waa macanahay , Nin Caalim ah ayaa hor ilaahay uga marag kacay in diintu macaan tahay , Jaahil baa yidhi hor ilaahay marag kama ihi inaad macaan tahay .

Murtidani waxay inagu dhiirrineysaa inaan barashada diinta Islaamka ku dadaallo si aan u hello Jannada Aduunka, oo ah Iimaanka, qofkii aan Jannada aduunka hellinna geli maayo maayo Jannada aakhiro.

Yaasiin Xaaji Ismaaciil.

 

 

HAY’ADDA HORN RELIEF AYAA  …..Kayimi Bogga 3aad

      Dadkii halkaas ka hadlay ayaa waxa ka mid ahaa : Ibraahim Cabdi Xirsi , Casayr Faarax Bile, Max’ed A. Cali , Max’ud Max’ed Cumar iyo Axmed Siciid Xasan.

   Madaxa waaxda waxbarashada ee hay’add Horn relief Abduba Mollo Ido ayaa isaguna halkaas hadal ka jeediyey , wuxuna faah-faahin ka bixiyey baahida loo qabo falanqaynta horumarinta waxbarashada iyo sidii loo samayn lahaa dallad metesha waxbarashada magaalada hay’adduna la shaqayso iyo sidii aan isaga kaashan lahayn sidii looga gudbi lahaa dhibaatooyinka jira .

Ugu danbayntii waxa la maqgcaabay guddi ka kooban sadex qof oo isku xidha xubnaha dugsiyada metelaya iyo hay’adda , soona qorsheeya kulamada soo socda, kuwaas oo kala ahaa : Maxamed Axmed Cali, Casayr Faarax Bile iyo Xaawo Jaamac Cali.

ÿÿÿÿÿ

Calmadow kuxayeysiiso ganacsigaaga,uguna Tahniyadee ehelkaaga iyo Asxaabtaa.

www.laasqoray.net

 

 

Qormada CiyaarahaCiyaaraha Championka aya aberyahanba soconayey, waxana aad loosigayey ciyaarta dhexmari lahayd labada kooxood ee Liverpool iyo Chelsee, ciyaartaas oo kadhacday guriga Liverpool ,naadiga livrpool aya soo bandhigay ciyaar aad uhufan inkastoo aan waxba lakala dhalin naadiga Liverpool wuxuu umuuqanayey inay imanayso meelfiican

Ciyaartoga Ronaldiino ayaa Ciyaar wanaasan soo bandhigay ciyaarti dhex martay naadigiisa iyob Udinesa ciyaartaas oo ku dhamaatay 4 – 1 Ronaldiino ayaa ilaa iminka  hogaminaya goolasha championka 

England : Naadiga Arsinal oo beryahn danbe ku liitey dhinaca Premier sip-ka ayaa hadda lala yaabban yahay , kadib markii badisay labadii ciyaarood oo la ciyaaray Champion-ka.

Spain : Caltavigo ayaa weli hogaaminaysa Laligaha Spanish-ka , hase yeeshee xidigaha naadiyada Spanish-ka markaan eegno dhinaca hoggaaminta , waxa goolasha hogaaminaya ninka reer Bacilona Suemel E'to oo ku hogaaminaya shan gool. Tababaraha Barcelona ayaa ku nuux-nuuxsaday inuu ku ceshan doono Laligaha , loona baahan yahay labo qof oo difaac ah.

Italy:- Juventus oo naadi celiya ilaa haatan la waayey dhinaca Calcio Seria A.

Su'aasha manta ee cayaaraha : Naadigeee ku guulaysanaya Champion-ka ?

 Diyaariye : Maxamed Ruush .

Bogga Nasashada

Ma ogtahay Akhristow in

{             Buuraha Alba ay yihiin silsilad buuraha ugu dheer  Yurub ,dherekeeduna gaadhayo 1094km

{            In Webiga Amaasuun ee ku yaal Brazil uu yahay webiga ugu biyabadan aduunka islmarkaasna uu yahay webiga labaad ee ugu dheer.

{            In Macadanta     Alumiiumku  tahay macdanta ugu badan ee lagahelo dhulka dushiisa, iyadoo ka ah 70%

{            In isbahaysiga NATO lagu  asaasay Magaalada Washinton,xaruntiisuna tahay Braczel, ayna Xubnihiisa ugu muhiimsanyihiin Maraykanka, Ingriiska, Farnsiiska, iyo Talyaaniga.

{            In isbahaysigii la oranjiray Warso la asaasay 1955,uuna udhaxeeyay wadamada bariga yurub islamarkasna uu burburay 1991 ugu danbayn kadib markii xubnihii muhiimka ahaa ay ka bexbexeen.

*****************

Sheeko Gaaban

Beri ayaa waxa jirey nin Xamuudi la odhan jirey , kuna shaqaysta khayaano iyo leex-leex iyo turufatoorayn. Sidii uu waxaas ugu jirey  ayuu isagoo xoogle indhabeelay,markaas ayuu maalin meel waddo ah fadhiistay,isagoo ka raja qaba cid ugargaarta oo Magaalo gaadhsiisa.

Hadii uu cabbaar fadhiyey ayuu maqlay sanqadh, markaasuu qayliyey"waryaa muslim ah Waryaa muslim ah" markaasuu ninkii socotada ahaa oo watey dameer ay haweeneydiisii fuushan tahay kusoo leexday oo weydiiyey :"war maxaad ahayd"? kolkaasuu Xamuudi yiri:"war nin indhoole ah oo dhibaataysan baan ahay,waxan kaa codsanayaa inaad magaalada igaadhsiisid? Markaasuu ninkii intuu u beer naxay naagtiisii ku yiri soo deg oo lugee,isagiina dameerkii ku qaaday .

Hadii jidka lasii socdey ayuu xamuudi fekerey illeyn:"Caadadii nin madaayo,Bahalna ceedhiin madaayo,Caallena waa dhaladkii e"wuxu qorsheeyey sidii uu ninka uga qaadi  lahaa dameerka iyo naagtaba.

Mar allaale iyo markii ay magaaladii ay soo galeen ayuu qaylo ku dhuftay:"Tolla'ay war yaa muslim ah!?dadkii ayaa kusoo yaacay,markaasuu ku yiri: “Naagtaas ayaan qabey dameerkanna way igu kaxayn jirtey ,Ninkanaa igu damcay,naagtana way is afgashadeen ee ha ii maqlina"

Ninkii ixsaanka sameeyey markii uu maqlay hadalkaas wuu yaabay, wuxuna sheegay siday runtu ahayd, dadkiise dhammaan waxay wada yiraahdeen:"Naag, Dameer iyo nin indhool ahi way isu eg yihiin, war nin yohow miskiinka iskaga tag”

Hase yeeshee ninkii wuxu ku adkaystay hadalkiisii wuxuna dadkii ka codsaday in arintiisa la gaadhsiiyo boqorka oo ahaa nin caqli badan.

Haddii boqorkii loo waramay , ninkastana dacwadiisii loo sheegay , ayuu wuxu amar ku bixiyey in labadoodaba la xidho.  Deetana wuxu maxaabiistii ku dhex darsaday nin jaasuus ah oo u baadha xaqiiqda waxa la isku hayo.

Ninkii jaasuuska ahaa isaga oo ay  moodayaan nin maxbuus ah, ayuu maalinba nin la sheekaysan jirey , maalintii danbe ayuu indhoolihii la sheekaystay , markii sheekadii isku duba dhacday ayuu is hayn waayey indhoolihii (Xamuudi) oo yidhi “ Hadii ay ii hagaagtona waxan helayaa Naag iyo Dameer , haddii kalena awelba wax ma haysan “.

Markii boqorkii warkii la gaadhsiiyey ayuu amar ku bixiyey in ninka Naagtiisa iyo dameerkiisa la siiyo, indhoolahana la xidho si dhaqan celin loogu sameeyo.

Qaybta Suugaanta

CABASHO LAASQORAY.

Gabaygan Xasan Xayle wuxu tiriyey 1955kii, xilli laga guurey magaalada Laasqoray , oo ay noqotay cidla, wuxuna yidhi :

Cishadaan ka degey laasqoraa cabatay dhowr jeere.

Waxan idhi maxaad la cartantoo kuugu culus manta

Waxay tiri kuwii cidigu xigey wayga carareene

Waxay tiri cirrooliyo wadaad ima ciseeyaane

Waxay tiri caruurtaan dhalay cadan u dhooofsheene

Waxay tiri haddii lay camiro waan abaal celine

Ciiddayda keliyaan malyuun cadad la siisteene

Badda ceeligeediyo marsadu waa I caawimiye

Maruun bay maraakiib camiran caasha soo dhigane

Waxay tiri caddaan iyo madow coonka waa imane

Waxay tiri kuweer cararayow ceelkii waa aniye !!!!!

 

Halxidhaalaha Cadadka

Jaamacada Al-azhar iyo Masaajidka kuyaal waa meelaha ugu caansan Aduunka muslimka, waxana Mudo qarniyaal ah wax kabaranjiray Kumanaan Arday ah oo ka kala yimi aduunka daafihiisa .

Hadaba xilima ayaa la dhisay, yaase dhisay Masaajidkaas.      Halxidhaalihii hore waxa kasoo jawaabay Akhristayaasha kala ah

  1. Sucaad Axmed Siciid,
  2. Sahro Nuur Muuse.

'''

ترقبوا مسابقةعلمدو خلال شهر رمضان المبارك

 

Usoo bixitaankii iftiinka Mugdi Dabadii

Waa tuma Khadijo C/qahaar

Qaybtii 22aad

Imminka waxaan ogaanay aasaaskii koowaad ee abuuritaankii waxa loogu magacdaray global Pax Americana oo ay dejiyeen Dick Cheney (madaxweyne-kuxigeenka, imminka ), Donald Rumsfeld (wasiirka difaaca), Paul Wolfowitz (ku-xigeenka Rumsfeld), Jeb Bush (George Bush walaalkiisa yar) iyo Lewis Libby (madaxa sare ee shaqaalaha Cheney).   Taasoo loo bixiyey “Dib-u-dhiska Difaaca Maraykanka”

“Rebuilding America`s Defenses”, dukumiintigaas oo aan weli si fiican u soo caanbixin waxaa la qoray sebtembar 2000, mashruucii “Maraykanka Cusub ee Qarnigan” the New American Century (PNAC), kaasoo la tusay golaha wasiirada Bush, iyadoo looga jeeday si loogu dhaqaaqo gacan ku haynta muletari ee gobolka gacanka ka hor 9/11.   Aasaaskaasi xitaa wuxuu sheegayaa habka loogu bedelayo Marykanaka “Quwadda Berrito”(Tomorrow`s dominant force) ay dhici karto in ay dheeraato haddii aanay dhicin      “ xaalad kicin ama masiibo ah - sida Pearl harbor cusub oo kale”.

 

Waa caddayd in maamulka Maraykanku aanu waxba ka qaban si uu uga hortago dhacdadii 9/11.   Waxaa la ogyahay in ugu yaraan 11 dawladood ay digniin siiyeen Maraykanka .   9/11 waxay siisay sabab ay qorshohoodaa jirran ay ku dhaqaajiyaan, sida ku cad qorshaha (PNAC`S) in duulaan muletari lagu qaado Afgaanistaan iyo Ciraaq, waxay ahayd mid miiska saran ka hor 9/11.

 

Waxay ahayd ilaa July 2001, markii dawladda Maraykanku ay u aragtay in xukunkii Daalibaan in ay tahay asalka degganaanshaha ee Aasiyada dhexe;  taasoo awoodi karta in ay dhisto beebab shidaal(hydrocarbon pipes) oo ka soo qaada saliidda iyo gaaska Turkimaanistaan, Usbekistaan, Kasaakistaan oo soo dhexmaraysa Afgaanistaan iyo Baakistaan ilaa iyo badda Hindiya.   Daalibaan waxay ahayd dawladda keliya ee nabadgelyo iyo deggenaansho ka dhigtay Afgaanistaan in ka badan 20 sano.   Markii ay Daalibaan diiday in ay aqbasho shuruudaha Maraykanka, wakiiladii Maraykanku waxay Daalibaan u sheegeen: “ama waxaad aqbalaysaan codsigayaga ah gogol dahab ah, ama waxaan idinku duugaynaa gogol bambooyin ah” taas oo ay runtii sameeyeen, iyagoo marmarsiinyo foojari ah ka dhiganaya in Usaaama Binladen la siiyey magangelyo iyo “xorraynta” dadka Afgaanistaan.   Xitaa Usaama Binlaadin ayaa tilmaamay ujeeddada dhabta ah ee diidmadiisa eedaynta isaga ka dhanka ah, faakis uu Aljazeera u soo diray wax yar ka dib 11kii sebtambar 2001, kaasoo oraynaya “ munaasibaddan waxaan xaqiijinayaa in aanan falkan u samayn sida uu u muuqdo in loo sameeyey ujeedooyinka Maraykanaka”.

La soco cadadka kale…….

Waxa tarjumey Inj. Afrikan.

 

Bishaaro..Bishaaro.Bisharo

    Waxa loogu bishaareynayaa dhamaan dadka waxbarashada jecel iyo gaar ahaan  Ardayda in lasoo saaray buug lamagac baxay

Four Figure Mathematical

Buugan ayaa ka kooban table-da xisaabta sida Logarithm, Anti-logarithm, Sine, Cosine, tangent, Squares, square roots, iyo kuwa kaloo badan

Buugan waxaad kaga kaaftoomi isticmaalka Calculator-ka.

Wixii faahfaahin ah kala xidhiidh Bulqaas Phermacy.Tel:-866350

 

Tahniyad

Saynab Xasan Shire, Aamina Ciise Cabdi, Aamina Maxamed Shire, Maymuun Xasan Shire, Naciima Warsame Iidle, Aniisa Axmed Siciid, Faaduma C/laahi Cali, Warda Maxamed Siciid, Samsam Daahir Cali Cabdi, Yaasmiin Cabdi Maxamed Xaawo Cumar Axmed, Sahro Maxamed Cismaan, Dhaman dadkaasi waxay tahniyad u dirayaan,

Maxamed Ciise Cabdi

Iyo

Faadimo Axmed Maxamed

 oo meherkoodu kadhacay Magaalada Bosaso, 29/9/2005.

 

www.laasqoray.net

ýý

kalasoo xidhiidh wargeyska

E:mailka: wcalmadow@yahoo.com  

wargayskacal.jpg